Uganda oo qiimeyn ku sameysay halka uu marayo bixitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya.

Sunday November 22, 2026 - 17:58:14
MeMO Staff
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee dalka Uganda, Janaraal Kayanja Muhanga, ayaa booqday ciidamada Uganda ee ka tirsan hawl-galka AUSSOM ee ku sugan Soomaaliya, si uu u qiimeeyo qorshaha socda ee ciidamada dalkaasi ay kaga baxayaan Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyey warfidiyeenka ciidamada Uganda, saraakiisha iyo askarta ka hawl-gasha saldhigga Buulo Mareer, ayuu janaraalku khudbado u jeediyey, isagoo dhanka kalena qiimayn ku sameeyey halka ay marayaan ciidamada kasoo baxay Baraawe.

"Waxaan si gaar ah ugu imid inaan arko halka ay marayso ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Baraawe, sidoo kalena aan qiimeeyo diyaar-garowga…” Ayuu yiri Lt. Gen. Muhanga, oo dhanka kalena ciidamada Uganda kula dardaarmay inay foojignaadaan.

Janaraal Kayanja Muhanga waxaa booqashadiisa ku weheliyey, janaraallo kale oo dhowr ah, saraakiil sar sare, iyo taliyeyaal, iyo iyo saraakiil kale oo darajooyin kala duwan leh oo ka tirsan AUSSOM, kuwaas oo dhammaantood goob-joog ka ahaa qiimaynta bixitaanka ciidamada Uganda.

Booqashada Taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda, ayaa kusoo aadaysa xilli uu fashilmay duullaankii lagu soo qaaday Soomaaaliya isla markaana xukuumadda Kampala ay go’aan ku gaartay in gebi ahaanba ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences